Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo sagootiyay Madaxii UNSOM Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 16 August 2017 qasriga Madaxtooyadda Garoowe casho sharaf ugu sameeyey wefti uu hogaaminayo madaxa xafiiska UNSOM Puntland Mr. Howard Bell, waxaana ay muhiimadda casho sharaftani ahayd sagootin uu Madaxweynuhu u sameeyey  Mr. Howard Bell oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey kulankani casho sharafta ah masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Mr. Howard Bell uu waxbadan ka Qabtay hawlaha xafiiska UNSOM Puntland muddadii uu haa madaxa xafiiskaasi, Madaxweynaha yaa sidoo kale sheegay in uu kaalin lixaadle ka qaatay hanaan kii doorasho ee DFS gaar ahaan kuwii ka dhacayey dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku amaanay Mr. Howard Bell inuu yahay shakhsi ku suntan shaqo wanaag, daacadnimo, karti iyo aqoon, isla markaana masuuliyad gaara iska saara sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadan fullinta mashaariicaha horumarineed ee hay’adda UNSOM ka fulliso dawladda Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxii hore ee xafiiska hay’adda UNSOM Puntland Mr. Howard Bell guddoonsiiyey hadiyaddo isugu jirey shahaado sharaf iyo sidoo kale abalmarin ahayd hiddiyo dhaqanka Soomaalida.