Tiro dad ah oo ku geeriyooday Dukhaynta Xulufada Maraykanka ee Raqqa

Toddoba iyo toban qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ay ka geysteen isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo.

Hay`adda xuquuqda aadanaha Siiriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in dadku ay dhinteen markii ay socdeen weerarrada lagu qaaday degmada qaddiimiga ah iyo deegaanno ku xeeran.

Waxay sheegtay in tirada weerarkii ugu dambeeyay ku dhintay ay ka dhigeyso soddon iyo siddeed tirada rayidka ku dhintay weerarrada dhanka cirka ah tan iyo Isniintii.

Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ayaa taageeraya Kurdiyiinta iyo dagaal yahannada Carbeed ee isku dayaya in magaalada Raqqa ay ka qabsadaan kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.