Video:-Weerarkii Gaariga ee Barcelona oo khasaare xoog leh sababay

Baabuur Van ah ayaa lagu dhuftay dad ku sugnaa bartamaha magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasi oo dhowr qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada.

Booliska ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in “baabuur si xooggan loogu dhuftay dad ku sugnaa goobta loo dalxiiska tago ee Las Ramblas ee bartmaha magaalada Barcelona”.

Booliska waxay ay sidoo kale sheegeen inay la tacaalayaan weerar argagixiso.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha ayaa muujiyey dhowr qof oo dhulka yaalla, oo booliiska ay caawinayaan.

Warbaahinta Spain oo soo xiganaysa booliska ayaa sheegtay in rag hubeysan oo la socday babauurka weerarka lagu fuliyey, islamarkaana hubeysan ay gudaha u galeen maqaayad ku taalla goobta ay dhacdadan ka dhacday.

Waxaa sidoo kale lagu soo warrmaya in dhawaqa rasaas la maqlay.

Warbaahinta gudaha Spain ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan hal qof lagu dilay, ayada ooku dhowaad 20 kale ay dhaawac yihiin.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka