Wasiirka Arimaha Gudaha Fadaraalka oo gaaray Jowhar

Wafti Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar, iyadoo lagu wado inay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.
 
Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa diray RW Khayre, si ay u fara geliyaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaas,inkastoo Madaxweyne Cosoble ka hor yimdi xilka qaadistaas kuna sheegay inqilaab fashilmay.
 
Waftigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxaa, waxaana ku wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.
 
Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka aheyd qorshaha xilka looga qaaday, isagoo si gaar ah u tilmaamay in Rw khayre soo abaabulay inqilaab fashilmay.
 
Dawlada Fadaraalka ayaa masuuliyiinta ugu saraysa ee xiligan hogaaminaysa waxay yihiin kuwo aan jeclayan nidaamka Fadaraalka ah ee dalku qaatay ,waxaana xogo hoose sheegayaan in ay wdaaan qorshayaal lagu maja xaabinayo nidaamkaas,
 
Qorshaha majo xaabinta nidaamka Fadaraalka ayaa ah mid ay maalgalin uga heleen Dawlada Qadar oo iyadu ka masayrsan xiriirka dhaw ee Imaaraadku la leeyahay dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka Somaliya.