Dulucda War Saxaafadeedka Puntland ee Taageerida xulufada Sacuudiga.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo looga hadlay xaaladda ka tagan wadamada gacanka Carabta ayaa lagu sheegay in Puntland ay taageersantahay xulufada Sucuudigu hoggaaminayo ee kasoo horjeeda dowladda Qadar.

Ujeedka war-mirtiyeedka ayaa ah in Puntland xiriir dhaw la leedahay wadamada Sacuudiga iyo Imaaratka Carabta ayna ilaalsanayao danaha ka dhexeeya dalalkaas . Imaaraatku wuxuu Puntland ka caawiyaa dhanka la dagalanka argagaxisada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha taas oo ka dhigan in Puntland xiriir diblomaasiyadeed oo wanagsan la leedahay Imaaratka.

Dhanka kale Dowladda Puntland waxay tixgalinaysaa xiriirka taarikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaliya iyo Sacuudiga,

Boqortooyada Sucuudigu waxay xiriir wanagsan oo dhanka ganacsiga ah la leedahau Soomaliya waana sayladda suuqa xoolaha Soomaliya,

Haddii xiriirka Sucuudiga iyo Soomaliya xumaado waxaa meesha ka baxaya ganacsigaa soo jireenka ahaa.

Puntland waxay aaminsantahay in Qadar xiriir mug weyn la lahayn Soomaliya , laakiin ay jiraan rag ka agdhaw Qadar oo ku jira Dowladda Soomaliya taas oo noqonaysa xiriir shaqsi ee aan ahayn xiriir qaran.

WQ.Faa’id Aden.