Jaaliyada Malaysiya oo Baaq Nabadeed udirtay Beelaha ku dagaalamaya Buuhoodle

Iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay colaad u dhaxaysa beelaha Cali Geri iyo Reer Hagar ay ka taagnayd magaalada Buuhoodle ,ayaa colaadaas waxaa ka hadlay oo baaqyo kasoo saaray Waxgaradka Puntland ee Gudaha Dalka iyo Dibadiisa.
 
Hadaba waxaa baaq ku aadan dajinta Colaadaas soo gaarsiiyay Warbaahinta idilnews Jaaliyada Soomaaliyed ee Malaysiy.
 
Baaqa ayaa uqornaa sidatan:-
 
Anigoo ah Cabdixakiin Kowsarad(Cali Dhoof) Nabadoonka jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Malaysiya kuna hadlaya Afkooda waxaan baaq Nabadeeed udirayaa Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Puntland.
 
Waxaan leenahay xabada waa in la joojiyaa shuruud la’aan,dhiiga daatayna aan mid kale lagu darin khilaafkana wada hadal lagu dhameeyaa,
 
Waxaan ugu baaqaynaa Dawlada iyo Waxgaradka Puntland in ay u istaagaan oo door muhiim ah ka qaataan qaboojinta coladaas Sokeeye ee aan la aqbali karin in ay sii socoto.
 
Nabadoon Cabdixakiin Yuusuf Kowsarad(Cali Dhoof) ayaa ugu danbayntii rabi haka baryay in Colaadaas Qaboojiyo Dadkaas walaalaha ahna dhexdooda is afgarad dhex dhigo.