Madaxii Cunsurinimada ee Aqalka Cad oo xilka laga qaaday

Madaxa istaraatajiyadda Aqalka Cad, Steve Bannon, oo ka mid ah shakhsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweyne Donald Trump, ayaa xilka laga qaaday.

Bannon oo afkaartiisu ay u janjeerto midig, ayaa ahaa ninkii ka dambeeyay in Trump uu ololihiisii doorashada ku saleeyo fariinta ah “Danaha Maraykanka ayaa waxkasta ka horreeya.”

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu ka carooday waraysi uu Bannon siiyay wargeyska American Prospect, kaasoo uu ku sheegay inaanay suuragal ahayn in awood milateri wax looga qabto khatarta Kuuriyada Waqooyi.

Bannon ayaa u sheegay wargeyska in Maraykanka uu “dagaal dhaqaale” kula jiro Shiinaha, isla markaana uu doonayo inuu Aqalka Cad ka saaro dadka aan fekerkaasi la wadaagin.

63 jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu taageersan yahay qolyaha caddaanka cunsuriyiinta ah, isla markaana uu naceyb u qabo Muslimiinta iyo Yuhuuda.

Waxa uu si weyn ugu ololeeyay xannibaada uu Maraykanka saaray dadka ka yimaada lix dal oo Muslim ah.