Madaxweyne Cosoble iyo Wakiilada Beesha caalamka oo Muqdisho ku kulmaya

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii afartii cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Jowhar.

Sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo hoose,Madaxweyne Cosoble ayaa Muqdisho u yimid la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Fadaraalka iyo in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharci darro.

”Madaxweyne Cosoble ayaa Caawa Maqribkii yimid Muqdisho waxaana ka mid ah arimaha xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle”,ayuu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Hir-shabelle.

Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Jowhar, ayaa waxaa ay tahay mid aad u sareysa, waxaana wali ka aamusan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

14-kii bishan Xildhibaannadda Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.