Madaxweyne Farmaajo oo booqan doona Dalka Masar todobaadka danbe

Madaxweynaha Fadaraalka iyo wafti uu hogaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo,ayaa maalinta axada ah waxa ay booqasho rasmi ah ku tagi doonaan dalka Masar, kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Masar C/fitaax Al-SiiSi.
 
Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa lagu xaqiijiyay in madaxweyne Max’ed C/laahi Farmaajo uu dalka Masar ku imaanayo booqasho rasmi ah, lana kulmi doono jaaliyadda iyo ardayda ku sugan Qaahira, waxaana warqada kaso baxday safaaradda lagu ogaysiinaya bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar in kulanka uu ka dhici doono MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD.
 
Maalinta isniinta oo ku beegan 21-08-2017, imaatinka dadweynaha aya bilaabanaaya 7:00pm waxuu ku egyahay galida hoolka 8:00pm.
 
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Masar ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Khaliijka, waxaana go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafkaas la sheegay in aanay ku qancin xulafada Sacuudiga.
 
Dhanka kale waxaa go’aanka dawlada Fadaraalku qaadatay ka hor yimid Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka sida Hir-Shabelle,Puntland iyo Somaliland.kuwaasoo si cad u taageeray Xulufada Sacuudiga.