Qaybtii Labaad : Maxaa sababay in Soomaliya dhex-dhexaad ka noqoto khilaafka Diblomaasiyadeed ee Dalalka Carabta?

Qaybtii Labaad : Maxaa sababay in Soomaliya dhex-dhexaad ka noqoto khilaafka Diblomaasiyadeed ee Dalalka Carabta?
_____________________________________________

Sucuudiga oo hoggaaminaya dalalka xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray Qadar waa dal Soomaliya la leh xiriir ganacsi oo aad u weyn, waa dalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Farmaajo ku tago booqasho dalka dibadiisa ah maalmo yar kadib doorashadiisii. Horay Waxaa u jirtay in Sucuudiga iyo Soomaliya isku aragti ka ahaan jireen xaaladaha Carabta, January 2016 sucuudigu wuxuu xiriirka u jaray Iran , isla saacado yar kadib Soomaliya waxay shaacisay inay la aragti tahay Sacuudiga xiriirkana u jartay Iran, sidoo kale Soomaliya waxay si buuxda u taageertay huwantii Sucudigu hoggaminayay ee looga soo horjeeday Xuutiyiinta Yaman ka dagalamayay.

Soomaliya oo loo ballanqaaday adduun lacageed oo gaaraya 80 milyan oo doollar haddii ay kusoo biirto dalalka xiriirka u jaray Qadar waa ay diiday lacagtaas waxayna qaadatay in khilaafkaas dhexdhexaad ka ahaato, sababaha keenay arrinkaas waxaa lagu sheegi karaa Saddex arrimood:

(1) Xukuumadda hadda ka jirta Soomaliya waxaa qayb weyn ka ah rag saxiibo dhaw la ah dalka Qadar kuwaas oo Madaxweynaha iyo Raysalwasaraha ku qanciyay in arrinku ku wanagsanyahay dhexdhexaadnimo, raggaas waxaa kamid ah wariyihii hore ee Aljazeera haddna ah agaasimaha madaxtooyada Somaliya Fahad Yaasiin.

(2) Dowladda hadda jirta oo ka biya diidan xiriirka wanaagsan ee Imaaratku la leeyahay Maamullada Puntland iyo Somaliland, taas oo dowladda Somaliya u aragto in Imaaratku ku xadgudbayo Madaxbanaanida Iyo awoodda Dowladda dhexe.

(3) In uu run yahay tuhunka ah in Dowladda Qadar ay dhanka maaliyadda ka taageeraysay olalihii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, maadama xubnahii ugu firfircoonaa olalahaas ahaayeen ragga xiriirka dhow la leh Dowladda Qadar.

Qaybaha danbe waxaan kaga hadlaya taariikhda Xiriirka Qadar iyo Soomaliya