Video:-Reer Hagar iyo Cali Geri oo dagaal kulul ku dhexmaray Buuhoodle

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
 
Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay in kabadan Shan qof ,halka ku dhawaad 10 qofna ay ku dhaawacmeen.
 
Dagaalkaasi ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay labo garab oo kala taageersan Maamulada Khaatumo iyo Somaliland
 
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalku Goor dhawayd Joogsaday inkastoo wali xabado goos goos ah laga maqlayo Xaafadaha Magaalada Buuhoodle.
 
Kooxihii dagaallamay ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda kula sugan yihiin labada dhinac ee Magaalada.
 
Waxgaradka Deegaanka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo xaaladda Buuhoodle.
Dhanka kale waxgaradka Gobolka Sool ayaa ka hadlay colaadan kuna baaqay in sid eg-deg ah loo joojiyo dagaalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka