Weerar Mindiyeyn ah oo Dad lagu Dilay ayaa ka dhacay Dalka Finland

Booliska dalka Finland ayaa raadinaya dad lagu tuhunsan yahay mindiyeyn baahsan oo hal qof lagu dilay, islamarkaana sideed kale lagu dhaawacay, magaalo xeebeedka ku taalla Koofnurta Galbeed ee dalkaas ee Turku.

Booliska ayaa lugta ka toogtay mid ka mid ah dadka la tuhunsan yahay kadibna xiray, ayaga oo ku digay in dadka ay ka fogaadaan bartamaha magaalada Turku.

Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Helsinki ee caasimadda ah iyo xarumaha laga raaco tareenada.

Ra’iisul wasaraaha dalkaas Juha Sipilä ayaa sheegay in dowladdu ay si dhow ula socoto xaaladda magaalada Turku, islamarkaana howlgal boolis uu ka socdo.

Taleefishinka YLE ayaa ku warramay in dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen inay arkeen dad dhulka yaalla.

Illaa hadda lama yaqaan tirada dadka wax ku noqday weerarkan.