Kumaad Rumeeysanaysaa?

Kumaad Rumeeysanaysaa?
 
Waxaa kadinka deyrka Wadaad Nasruddiin yimid nin ay jaar ahaayeen. Dibedda ayuu ugu soo baxay oo ninkii la kulmay.
 
“Wax miyaad, Shiikhow, ka qabi lahayd,” jaarkii ayaa weyddiiyey, “in aad maanta dameerkaaga i amaahiso? Degmada inagu dhow ayaan alaabo yar ku geeysan lahaa.”
 
Hayeeshee, Wadaadku arrinta sinnaba uguma jajabnayn, gaar ahaan in uu neefkiisa ninkan amaahiyo. Haddaba, si aanu ugu anshax-xumaannin ayuu ku yidhi:
 
“Waan ka xumahay, horey baan nin kale u amaahiyey.”
 
Durbadiiba dameerkii ayaa dambeedka gidaarka deyrka guriga ci’ dheer oo la wada maqli karo ku dhuftay.
 
“Hase ahaatee, Shiikhow,” jaarkii ayaa afka furtay, “cidiisa ayaan dambeedka gidaarka ka maqlayaa!”
 
“Kumaad rumeeysanaysaa,” Wadaadkii ayaa isagoo ciishaysan ku warceliyey, “ma dameerka mise Shiikhaaga?”
 
Sheekooyinka Nasruddiin Xoja [noolaa qarnigii 13aad ee miillaadiga]