Video:-Wasiir Cabdi Xoosh iyo Gudiga Dastuurka Aqalka-sare ee Baarlamaaanka Fadaraalka oo kulmay

Wasiirka Arrimaha dastuurka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen agaasimaha guud iyo la-taliyayaal ka tirsan wasaaradda ayaa maanta la kulmay guddiga baarlamaanka ee La-socodka dib-u-eegista dastuurka.
 
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa guddiga uga warbixiyay hawlaha Wasaaradda ay wado.
 
“Anaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxa aan go’aansanay in aan bilaawno u diyaar garowga geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan ololaha dib-u-eegista dastuurka ee dalka ka bilaami doona sanadkan” ayuu yiri Wasiirka.
 
Sidoo kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga ay yiri “In aan wadashaqayn idin la yeelanno waa mid lagama maarmaan ah oo aan su’aal la gelin karin oo ay tahay in aan bilawno, diyaar ayaan idiin nahay waqti walba oo aad noo baahataan si aad su’aallo nooga weydiisaan hawlaha socda; farxad wayn bay ii tahay in aan wadashaqayno Guddigan oo xubnaha katirsan badankood aanu nahay asxaab horey u soo wadashaqeysay oo kawada tirsanaa Baarlamaankii 9 aad” ayuu yiri Wasiirka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka