Alshabaab oo xalay gudaha ugalay Degmada Afgooye

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen Buundada yar iyo xaafadaha ku dhow dhow.
 
Al-Shabaab ayaa weerar ka soo qaaday dhanka wabiga, waxaana si lama filaan ah ay gudaha u soo galeen degmada Afgooye.
 
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, waxaana saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaan ka wadaan xaafadaha qaar ee xalay iska hor imaadka ka dhacay.
 
Weerarka Al-Shabaab xalay ku soo qaaday Afgooye ayaa jawaab u ah howl galada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ka wadaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ku sugan yihiin, iyadoo la wareegay deegaanka Bariire.