Aqalka-sare oo ansixyay sharcigii isgaarsiinta ee muranku ka taagnaa

Xubnaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta,kaasooo dhowaan Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada hor geysay golahaas kaddib markuu uu ka soo gudbay golaha shacabka.

 
39 mudane oo ka tirsan golaha Aqalka-sare ayaa meel mariyey sharciga isgaarsiinta.
 
Sharcigan ayaa waxaa dhawaan meel mariyay Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo Wasiirka Boostada uu Sabtidii u gudbiyay Aqalka sare ee dalka, kuwaasoo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.
 
Sharcigan ayaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si uu u saxiixo oo ay u noqoto mid dhaqan gala.
 
Dhanka kale Sharcigan ayaa waxaa si adag uga hor yimid Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka,kuwaasoo ku tilmaamay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay ayna dabada ka riixayaan Ganacsato reer Muqdisho ah,isla markaana aan tixgalin la siin talooyinkii Wasiirada Isgaarsiinta ee dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalku ay usoo gudbiyeen gudigii diyaarinayay Shrcigan.
 
Waxaa la filayaa in Sharcigan uu ka hirgali doono Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda saamyn badana uusan ku yeelan doonin dalka intiisa kale.