Ninkii fuliyay weerarkii Barcelona oo la aqoonsaday

Baadigoobka darawalkii 13ka ruux ku dilay magaalada Barcelona toddobaadkii hore ayaa hadda lagu baahiyay qaaradda Yurub oo dhan, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Catalan ee dalka Spain.
 
Saraakiishu waxay sheegeen in ay xaqiijiyeen aqoonsiga darawalka uuna yahay wiil 22 jir ah oo reer Marooko ah oo la dhoho Younes Abouyaaqoub.
 
Saraakiishu waxay sheegeen in aysan meesha ka saaraynin macquulnimada in uu ka gudbay xadka ay Faransiiska la wadaagaan.
 
Muuqaal cusub oo la duubay maalintii uu dhibku dhacay oo laga helay kaameerooyinka ammaanka ayaa muujinaya isaga oo cagahiisa kaga baxsanaya goobtii uu dadka ku laayay.
 
Saddex sawir oo lagu soo daabacay wargayska El Pais ayaa muujinaya nin lugaynaya jid ka baxa suuqa La Boqueria, isaga oo xiran okiyaale.
 
Booliiska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan macquulnimada in sagaashan daqiiqo ka dib uu ninka laga shakisan yahayi dilay nin reer Spain ah uuna xaday gaarigiisii.