Video:-Madaxweynayaasha Somaliya iyo Masar oo kulan wada qaatay

Madaxweynaha Soomaliya ayaa 2 bilood kadib go’aansaday in uu dib u eegis ku sameeyo go’aankii Dowladda Federaalka ay hore ugu taageertay Waddanka Qatar. Kadib markuu arkay:-

1. Cadaadis badan oo uga yimid Ganacsatada Soomaliyeed gaar ahaan Xawaaladaha oo sanadkii dalka soo geliya lacag dhan $2 billion oo Dollar. Dhaqaalahaas oo boqolkiiba 90% soo mara dalka Imaaraadka.

2. Markuu arkay in Dowlad Goboleedyada ay ka horyimaadeen go’aanka ay wateen Fahad iyo Xarakada la socota.

3. Markuu arkay mashaariicda balaaran ee imaaraadku ka wado dalka gudihiisa.

4. Markuu arkay dhoofka xoolo dhan 5 million oo neef oo u socda dalka Sacuudiga.

Wuxuu weydiistay Dalka Masar in ay Soomaliya ugu gogol xaarto in ay Sacuudiga iyo imaaraadka la heshiiso.

Madaxweynaha Masar ayaa ku xujeeyay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya ka laabato go’aankii hore ee ay Qatar ku taageertay. Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay sida ay sheegayaan diblomaasiyiin Masri iyo Imaarati ah.

Dowladda Qatar ayaa 80 dal u sameysay dal ku gal shuruud la’aan ah todobaadkan balse ka reebtay Soomaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka