Bakaylayaasha iyo Rahaha

Bakaylayaasha iyo Rahaha

Bakaylayaasha, sidaynnu la wada soconno, xayawaan weeye aad u xishood badan. Sharqanta ugu yar oo uu maqlo baa cabsi gelisa, wuxuuna u farandulleeyaa burkuu ku dhuunto kolkuu nafta u yaabo.

Waxay maalin maalmaha ka mid ah go’aansadeen in gunnimaday ku jiraan ay geeriyi dhaanto. Hayeeshee, iyagoo wali arrinkii rogrogaya oo ka doodaya habka ugu wacan oo ay isu gunaanadi lahaayeen oo geeri isugu diyaarin lahaayeen, ayay cod maqleen oo durbadiiba burarkoodii ku baqacarareen. Waxay intii ay marimmadoodii hayeen sii agmareen Rahah fara badan oo dul dhooban cawska qasabka geddiga balliga ka baxa. Durbadiiba Rahahii sas bay qaadeen, waxay u badbaado tageen dhoobadii balliga.

“Eega,” mid Bakaylayaashii ka mid ahaa ayaa ku cod dheereeystey, “wax kastoo jiraba, arrimuhu maaha kuwo caynkaas u sii liita. Layaabse weeye, waxaynnu halkan haynnaa oo aragnaa nafleey innaga baqaysa!”

Had iyo goor qof kaa sii liita ayaa jira

 

Sheekaxayawaannada Aesop

[Noolaa lix boqol oo sannadood dhalasha Nebi Ciise ka hor]