Booliiska Denmark oo heley meyd loo maleynayo saxafiyad si weyn loo raadinayay

Ciidamada booliiska dalka Denmark ayaa helay meydka qof dumar ah oo uu madaxa ka maqanyahay iyaga oo raadinaya haweenay saxafiyad ah oo la waayay kadib markii ay safar xagga badda la gashay nin ay barnaamij ka diyaarineysay.
 
Gabadha maqan oo lagu magacaabo Kim Wall oo u dhalatay dalka Sweden ayaa markii dad ugu war dambeysey waxa ay la socotey nin injineer ah oo sameeya gaadiidka badda quusa oo lagu magacaabo Peter Madsen oo u dhashay dalka Denmark taariikhda markii ay ahayd 10-kii Agoosto.
 
Ninkan ayaa markii la weeydiiyay waxa ku dhacay gabadhii la socotay ayaa wuxuu sheegay in uu ku tuuray badda maadaamaa markabkiisa gunjiska ah uu sii quusayay, balse markii dambe waa uu badalay sheekada, wuxuuna sheegay in ay shil ku dhimatay, kadibna uu ku aasay badda.
 
Meydka la helay ayaa doo diray sheeybaarka si loo ogaado in uu yahay gabadhii maqneyd iyo in kale, balse wali lama soo kala caddeyn arrintaas.
 
Gabadhan saxafiyadda ah ayaa waxaa maqnaanshaheeda soo sheegay nin ay lamaane yihiin kadib markii ay guriga kusoo laaban weysay.
 
Waxa ay sheeko ka qoreysay gaadiidka badda quusa ee uu sameeyo Mr. Madsen, balse markabkiisa yar ayaa dagay saacado uun kadib markii uu biloowdey baadi goobka gabadha maqan.
 
Booliiska waxa ay rumeysanyihiin in si ula kac ah loo quusiyay markabka, waxayna xireen mulkiilaha oo sidoo kale lagu eedeeyay dayacaad iyo dil qorsheysan.
 
Meydka ayaa waxaa helay qof bushkuleeti wata oo marayay meel u dhow magaalada Copenhagen oo ahayd halkii uu Madsen sheegay in uu meydka ku tuuray.
 
Garyaqaanka Mr. Madsen ayaase sheegtay in uusan wax dambi ah qiranin, aysana jirin wax caddeyn ah oo illaa hadda lagu hayo.
 
Dacwaddan ayaa soo jiidatay dareenka warbaahinta adduunka, mar kasta wax cusub ayaa kasoo kordhaya.
 
Peter Madsen ayaa madax ka ah shirkad gaar loo leeyahay oo samaysa maraakiibta gujiska ah ama badda quusta, waana tan kaliya ee adduunka gaarka loo leeyahay ee gaadiidka noocan samaysa, waxaana la sheegey in yabooh lacageed oo uu dadweynaha ka uruuriyey uu shaqadiisa ku qabtay.