RW Khayre oo buuxiyay Wasaaradii uu ka geeriyooday Wasiir Siraaji

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay xilkaan Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi maanta oo taariikhdu tahay 22-ka Bishaan Agoosto 2017-ka.

Xilkaan ayaa banaanaa in mudaa ka dib markii la dilay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska Cabaas Sheekh Siraaji.

 

 

Halkan  hoose ka akhriso Wareegtada:-