Angola 38-sano kadib Madaxweyne cusub dooranaysa

Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi.

Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa in uu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan.

Haseyeeshee madaxweyne Dos Santos ayaa wali sii maamuli doono xisbiga MPLA, waxaana xubnaha qoyskiisa ay hayaan xilal aad muhiim u ah.

Lourenco ayaa beeniyay in uu noqonayo madaxweyne maqaar saar ah haddii uu xilkaasi ku guuleysto.

Shaqo la’aanta ka jirta dalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee hareeyay doorashadan.

Musharaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Unita, ayaa ah Isaias Henrique Ngola Samakuva.

Doorashadan ayaa dadka reer Angola waxay ku soo dooran doonaan qofka noqonaya madaxweynaha dalka iyo xisbiga ay tahay in uu dalka xukumo