Trump oo dib uxoojinaya qorshihisii darbi ka dhisada Xuduuda Maraykanka iyo Mexico

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa booqday goobaha laga ilaaliyo xuduudda ee gobolka Arizona, oo xuduud la wadaaga dalka Mexico.

Safarka uu Madaxweyne Trump ku tegey gobolka Arizona shalay Salaasadii ayuu doonayaa inuu culays ku saaro inuu ogolaansho uga helo aqalka Congresska, lacag uu ku dhiso gidaarkii ama derbigii uu wakhtiga dheer ballanqaadayey, kaas oo haatan qayb ahaan ka jira xuduudda Maraykanka ee dhinaca Koonfur Galbeed.

Intii uu ku sugnaa magaalada Yuma, wuxuu Madaxweyne Trumo soo booqday xarunta Kastamada iyo ilaalada xuduudda si uu u soo arko qalabka ay u isticmaalaan ilaalinta xuduudda iyo dadka ka soo gudbaya, wuxuuna shaqaalaha goobtaas ku sugan la qaatay kulan albaabadu u xidhnaayeen.