Video:-Sisi oo shuruud ku xiray dhexdhexaadinta D.Fadaraalka Somaliya iyo Xulufada Sacuudiga

Madaxweyne Farmaajo oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kadib markii uu kasoo laabtay booqasho uu ku gaaray dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale xogta hoose ee laga helayo safarka Madaxweyne Farmaajo ee Masar marka laga soo tago warka Madaxweynuhu siiyay saxaafada,ayaa sheegaya in uu waydiistay Dalka Masar in ay Soomaliya ugu gogol xaarto in ay Sacuudiga iyo imaaraadka la heshiiso.

Madaxweynaha Masar ayaa ku xujeeyay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya ka laabato go’aankii hore ee ay Qatar ku taageertay. Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay sida ay sheegayaan diblomaasiyiin Masri iyo Imaaraati ah,waxaana la filayaa maalmaha soo socda in ay fulaan arimahaas,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka