Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso Bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso Bisha Dul-Hijjah.

Rasuulka SCW wuxuu yiri:-

” Qofkii Sooma maalmahaas wuxuu ilaahey ku karaameyn doonaa 10-kaan Waxyaabood:

1) In Loo siyaadiyo Cimriga.

2) In loo siyaadiyo Maalka.

3) in loo ilaaliyo Awlaada.

4) In loo dhaafo dambiyada.

5) In loo laba jibaaro Xasanaadka.

6) In loo fududeeyo Sakaraatul Moodka.

7) In loo iftiimiyo Qabriga.

8) In loo cusleeyo Miisaanka Maalinta Qiyaamo.

9) In laga badbaadiyo Guryaha Naarta.

10) In sare loogu qaado darajooyinka Janadda.

Sidoo kale Saxaabiga Ibnu Cabaas RC ayaa yiri:-

1) Maalinta 1-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi Yoonis CS isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, Qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin.

3) Maalinta 3-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabi Zakariya CS, Qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) Maalinta 4-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Ciise CS, Qofkii Sooma ilaahey wuxuu ka dheereenayaa Quusitaan iyo Faqri.

5) Maalinta 5-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa Cadaabta Qabriga.

6) Maalinta 6-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada Kheyrka, Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7) Maalinta 7-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato tobanka maalin ee Bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma Ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

8) Maalinta 8-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinayaa Ajir uusan ogeyn Ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalinta la istaagayo Banka Carafa, Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii hore iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qur’aanka ee (اليوم أكملت لكم دينكم).

10) Maalinta 10-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta Ciidul Adxaa, qofkii Alle Qurbaan ugu Dhawaadana wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

Mahadsanid.