Ku-xigeenka Siyaasada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo gaaray muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,ayaa kulan sharfeed la qaatay Ku xigeenka Xoghayaha guud ee arimaha siyaasada Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray,
 
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka ah Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman.
 
Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.
 
Jeffrey Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.
 
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.