Maraykanka oo hoos u dhigay dhaqaalihii usiin jiray Dalka Masar

Xiriirka Mareykanka iyo Masar, oo horumaray kadib doorashadii madaxweyne Donald Trump, ayaa arabacdii u muuqday inuu dib u xumaaday, kadib markii dowladda Mareykanka ay jartay qeybo ka mid ah gargaarkii Masar la siin jiray, sababo la xiriira xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Dowladda Mareykanka ayaa boqol milyan oo dollar ka dhintay gargaarkii dhaqaale iyo midka milatari, ayada oo sidoo kale dib u dhigtay 200 oo milyan oo kale, oo la siin jiray dalka Masar oo ka mid ah dalalka deeqda ugu badan ka hela Mareykanka.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa arrintan u sababeeyey in Masar ay ku guul-darreysatay inay horumariso heerka xuquuqda aadanaha dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa dhalleeceysay go’aanka Mareykanka, kuna sheegtay in si qaldan loo eegay xiriirka muhiimka ah ee labada dal isku hayey muddada fog.

Masar ayaa sidoo kale la sheegay inay baajisay kulan la qorsheeyey inuu dhex maro la-taliyaha Aqalka Cad ee Mareykanka Jared Kushner iyo wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Sameh Shoukry. Hase yeeshee goor dambe ayaa wasaaradda arrimaha dibedda ay baahisay muuqaal muujinaya in kulanka uu dhacay.