Belgium:-Toogasho ka dhacday goor dhawayd

Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in bartmaha magaalada lagu toogtay nin ka dib markii uu toori ku weeraray labo askari.

Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka degdega.

Qof goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta, ma cadda in ninka weerarka geystay uu baxsaday iyo inkale.

Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska ee dalka Belgium-ka.

Wixii kusoo kordha weerarkani dib ayaan idinkala socodisiin doonaa.