Dawlada Qadar oo xiriir buuxa la samaysatay Dalka IRAN

Dawladda Qadar ayaa si dhamaystiran u soo celisay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay dawladda Iiraan la lahaan jirtay, iyada oo iska dhago tiraysa dalabkii kaga yimid dalalka Carbeed ee ahaa in ay hoos u sii dhigto xiriirka ay dalkaas la leedahay.
 
Qadar ayaa safiirkeeda u yeertay sannadkii 2016kii ka dib markii la weeraray xafiiskii dublamaasiyadda Sacuudiga ee Iiraan ku yaalay, ka dib markii Sacuudiga lagu dilay sheekh ka mid ah ahaa dadka magaca ku leh Shiicada.
 
Laakiin hadda Qadar ayaa doonaysa in ay xoojiso xiriirka ay Iiraan la leedahay dhankuu doonaba ha noqdee.
 
Iiraan ayaa Qadar gacan ka siisay hoos u dhigitaanka saamaynta ay ku yeelanayso xayiraadaha safarka iyo kuwa ganacsiga ee ay tan iyo bishii Juunyo ku soo rogeen dalalka Carbeed ee awooda badan ee ay dariska yihiin.
 
Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa Qadar ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada gobolka oo dhan iyo in ay u dhawdahay dawladda Iiraan. Qadar way diiday dhammaan eedaymahaas
 
.Qadar ma aysan sheegin goorta uu safiirkeedu dib ugu laaban doono Tehran, laakiin ku dhawaaqitaankan ayaa yimid ka dib markii Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Sheekh Maxamed binu Cabdiraxmaan Al Thani uu khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Iiraan Maxamed Javad Zarif.
 
Dhanka kalana dawladda Qadar ayaa amartay in albaabada loo laabo safaaradda Chad, dublamaasiyiintii ka shaqaynayayna waxaa loo qabtay in ay dalka isaga baxaan 72 gudahood, sida ay Khamiistii sheegtay Wasaaradda Ariimaha Dibadda ee Iiraan. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.