Gaalkacyo:-Dib udhiska Laamiga dheer ee Galkacyo-Garowe oo heer gabagabo ah ku dhaw

Laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Bosaso,gaar ahaan inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garowe oo uu dib u dhis ka bilawday,ayaa maraya heer dhexe,iyadoo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo dib u dhiskiisa.

Dhismha laamiga ayaa maraya heer qolof ka qaadis ah,waxaana xigi doona dib usaarida Laamiga cusub.

Mashruucan ayaa ah mid aad muhiim u ah oo baahi badan loo qabay madaama laamigu aad ugu baahnaa dayactir deg-deg ah,waxaana maalgalinaya dawlada Jarmalka.

Dawlada Madaxweyne Gaas hogaaminayo ayaa noqotay tan ku guulaysatay hirgalintiisa Mashruucan muhiimka ah,waxuuna ka mid noqon doona mashruucyada uu hirgalintooda taariikhda ku gali doono Madaxweyne Gaas.

Waa talaabo lagu xasuusan doono Madaxweyne Gaas.