Madaxii shirkadda Samsung oo lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taala magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay Lee Jae-yong oo leh dhaxalka shirkadda Samsung sababo la xiriira dambiyo musuqmaasuq.
 
Maxkamadda ayaa Lee ku heshey in uu laaluush siiyey dowladda , islamarkaasina ka filayay in loo eexdo isaga.
Dacwaddan ayaa salka ku haysa fadeexado musuq ah oo horseeday in madaxweynihii hore ee dalkaa xilka laga qaado.
Waa dacwad soo jiidatay dareenka dadweynaha dalkaasi xili carro badan loo qabo shirkadaha waawayn ee Koonfurta Kuuriya oo lagu eedeeyey dhaqamo aan fiicnayn oo ganacsi.
Lee oo madax ka ah shirkadda ugu weyn adduunka ee taleefoonada casriga ah samaysa ee Samsung ayaa beeniyey eedeymaha loo haysto, balse waxa uu xirnaa illaa bishii feberaayo sannadkan intii ay socdeen baaritaanada lagu hayay.
 
Muxuu haleeyay Lee ?
 
Ninkan 49 jirka ah ayaa waxa lagu eedeeyey in uu bixiyey lacag gaaraysa $36 milyan oo doolar oo uu deeq ahaan u siiyey ururo aan dowli ahayn oo ay maamulaysay haweeneyda lagu magacaabo Choi Soon-sil oo saaxiib la ahayd madaxweynihii hore ee xilka laga xayuubiyey Park Geun-hye, isaga oo ku badalanayay dano siyaasadeed oo uu dowladda ka lahaa.
 
Dacwad-oogayaasha waxa ay sheegeen in deeqdaasi ay ahayd mid looga gol lahaa in Lee ay dowladda ku gacan siiso in uu xoojiyo awooddiisa shirkadda Samsung oo xiligaasi isbadalo lagu samaynayay.
 
Balse garyaqaanada Lee ayaa sheegey in deeqda lacagta ah la bixiyey isaga oo aanan ka warqabin.
 
Mar sii horeysay ayuu ninkan qirtey in uu faras iyo lacag siiyay gabadh ay dhashay Choi, balse waa uu beeniyey in ujeedku ahaa in uu wax kaga badasho.
 
Garyaqaanka Lee oo lagu magacaabo Song Wu-cheol ayaa sheegey in ay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka dhacay.
 
Yaa kale oo dacwadan ku lug leh ?
 
Dacwadan waxa ay salka ku haysaa eedeymihii kalifey in xilka looga eryo madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Gun-haye, waxayna hadda lafteeda wajahaysaa dacwado la xiriira musuqmaasuq.
 
Haweeneydii ay madaxweynaha saaxiibada ahaayeen ee Choi ayaa iyadu xabsiga ku jirta kadib markii 3 sano oo xarig ah horey loogu xukumay, waxaana lagu helay in booskeeda ay u isticmaashay in ay dowladda ku farogaliso.
 
Labo kale oo ka tirsan madaxda sarsare ee shirkadda Samsung oo lagu kala magacaabo Choi Gee-sung iyo Chang Choong-ki ayaa iyaguna lagu kala xukumey min 4 sano oo xarig ah, waxaana xukunka riddey isla maxkamadda xukuntey Lee.
 
Sidoo kale labo kale oo ka mid ahaa mas’uuliyiin hore oo Sansung ayaa iyaguna lagu xukumey muddo xarig oo balse ay kaliya xabsiga galayaan oo kaliya haddii dambi kale ay galaan markale.
 
Lee xabsi ma gali doonaa?
 
Ma ahan markii koowaad oo qof madax ka ah shirkadaha waaweyn ee Kuuriyada Koonfureed lagu helo dambi, kadibna xabsi lagu xukumo.
 
Balse horay waxaa u dhacday in dhammaan dadkii la xukumay aysan galin wax xabsi ah ama uu cafis u fidiyo madaxweynaha.
 
Hae yeeshee madaxweynaha hadda talada haya Moon Jae-in ayaa sheegay in aysan jiri doonin cafis madaxweyne oo dambe.
 
Marka haddii maxkamadda sare ay kor yeesho xukunka lagu riday Lee, kadibna uu xabsiga ku wada qaato mudada lagu xukumay ayaa waxa ay tani ka dhignaan doontaa in laga guurey dhaqankii hore ee Kuuriyada Koonfureed ka jirey.
 
Dowladda cusubna waxa ay sheegaysaa in arrintaasi ay fariin cad u direyso shirkadaha waaweyn ee dalkani ka jira ee horay loogu taag waayay.
 
Xukunka ku dhacay Lee waa dharbaaxo aad u weyn oo wajiga ka haleeshay shirkadda Sansung, waxaana dhacday in saamiga suuqa ee shirkadda uu hoos u dhacay wax dhan 1% boqolkiiba.
 
Waxa kale oo soo baxay su’aalo la xiriira qofka hoggaamin doona shirkadda maadaamaa uu Lee guddoomiye ka ahaa shirkadda tan iyo sannadkii 2014-kii oo aabihiis, Lee Kun-hee , uu haleeley xanuunka wadnaha.
 
Waxaa jira labo gabdhood oo la dhashay Lee oo iyaguna xilal kala duwan ka haya shirkadda Sansung, balse ma cadda in midkood madax laga dhigi doono iyo in kale.
 
Tan iyo intii Lee la xirey lix bilood ka hor, wax saamayn ah taas kuma yeelanin shirkadda, waxana shirkadda ay diiwaangalisey koror faa’iido oo baddan.
 
Shirkadda Sansung waxa ay ka koobantahay 60 shirkadood oo isku xiran, waxana ay udub dhexaad u tahay dhaqaalaha Kuuriyada Koonfureed.
 
Waxaa xitaa ka mid ah shirkaddo sameeya maraakiibta, shirkad guryaha dhista, mid daawooyinka qaabilka iyo mid xayaysiinada qaabilsan.