Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la hakiyo colaadda Raqa

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si ku meel gaar ah hakad la geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowaldda Islaamka ee magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, si dadka rayidka ah loogu oggolaado inay halkaasi isaga cararaan.

Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii 25,000 oo qof oo shacab ah ay wali ku go’doonsan yihiin magaalada Raqqa.

Isbahaysiga uu mareykanka taageero ee ka kooban carabta iyo kurdiyiinta ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi kala wareegaan dagaalyahannada kooxdaasi dowladda Islaamka.

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya, Yan Egeland, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in magaaladani Raqa ay tahay meesha ugu xun ee caalamka maanta la joogo, waxaana habboon buu yiri in la qadariyo dhammaan waxyaabaha xal u noqon kara in shacabka halkaa ku xayiran laga soo badbaadiyo kooxdaasi jihaadiga ahi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in xoogagga dimuquraadiga ee Suuriya ee uu mareykanka taageero ay haatan la wareegeen gacan ku haynta ku dhawaad boqolkiiba 60 magaalada Raqa.

Magaaladaasi ayaa sidoo kale la qiyaasayaa in ay ku dhex go’doonsan yihiin ku dhawaad labo kun oo ka tirsan mintidiinta kooxda dowladda islaamka, kuwaasi oo u dagaalamaya sidii ay naftooda u difaacan lahaayeen.

Dhanka kale, haweeney afhayeen ah oo u hadashay hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International, Donatella Rovera, ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada isbahaysigu ay hakinayaan dedaalada dadka doonaya in ay magaaladaasi ka soo cararaan maadaama bey tiri ay weerarayaan doomaha halkaa ka soo baxaya.