Bosaso:-Markab sida mucaawino gaaraysa Afarkun oo tan oo soo gaaray Bosaso

Markab weyn oo sida Deeq Raashin ah oo gaaraysa 4000 tan ayaa kusoo xirtay Dekeda Bosaso.

Raashinkan oo mucaawino ah ayaa waxaa ku deeqay Dawladaha Turkiga iyo Indoneesiya,waxayna soo marsiiyeen Dawlada Fadaraalka ah.

Deeqdan Raashinka ah ee soo gaartay Bosaso ayaa waxaa kala leh Puntland,Maamulka Cadaado iyo Maamulka Hir-shabelle.

Dawlada Puntland oo deeqdan masuul ka ahayd ayaa ku wareejisay qaybihii maamulada Hir-Shabelle iyo Cadaado taasoo gaaraysa 2500 oo tan.

Dekeda Bosaso oo ahayd Goobta lagu kala wareejiyay Deeqdan,ayaa waxaa  goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamulada Cadaado iyo Jowhar,kuwaasoo si weyn ugu mahadnaqay Puntland sida masuuliyada aadka u wanaagsan ay iskaga saareenfududaynta Deeqdaas in ay soo gaarto Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka