Garowe:-W.Caafimaadka Puntland oo daahfurtay mashruuc kor loogu qaadayo Adeega Caafimaadka Gobolada Mudug iyo Nugaal

Mashruuc balaaran oo horumarinta Caafimaadka ah ayaa waxaa maanta lagu daahfuray xarunta Wasaarada Caafimaadka Puntland ee garowe.

Mashruucan oo si gaar ah uga hirgali doona Gobolada kala ah Mudug iyo Nuugaal,ayaa waxaa maalgalinaysa Dawlada Jarmalka.

Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Cabdinaasir Cuuke oo daahfuray mashruucan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay mashruuc balaaran oo buuxin doona inta ka dhiman adeega Caafimaadka Goboladaas , kaasoo maalinta Arbacada ah si rasmiya loo daahfuri doono

Wasaarada Caafimaadka ayaa wada dadaal xoog leh oo ay ku hormarinayso adeega Caafimaad ee Guud ahaan Gobolada Puntland,iyadoo Wasaaradu noqotay mida ugu adeega wanaagsan guud ahaan Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka