Madaxweynaha Faransiiska oo qurxinta wajigiisa u isticmaalay lacag siyaada ah

Tan iyo intii uu madaxwayne ka noqday dalka Faransiiska Emmanuel Macron bishii May 2017 ayaa waxa uu qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro.
Arrintan ayaa waxa ay noqotay mid ay si aad ah u hadal hayaan dadka isticmaala baraha bulshada.
 
Wargayska todobaadlaha ah ee ka soo baxa Faransiiska ee Le Point ayaa sheegay in lacagtani uu madaxwaynaha Macron ku qarash gareeyay waxyaabaha lagu qurxiyo jirka sida qurxinta wajiga oo loo soo kireeyay qof ku xeeldheer qurxinta.
 
Aqalka madaxtooyada oo ka jawaabayay arrintan ayaa u sheegay wakaalada France Info inkastoo ay badan tahay tirada lacagta ku baxday qurxinta madaxwaynaha hadana ay ka sii badnayd lacagtii ay isticmaaleen madaxwaynayaashii ka horeyay ee Holland iyo Sarkozy.
 
Gacanyaraha Macron ayaa hasa yeeshee sheegay in mustaqbalka ay raadin doonaan goobo raqiis ah.
Inkastoo ay tahay mid iska caadi ah in dadka magaca leh ay isticmaalaan waxyaabo jirka lagu qurxiyo ,ayaa hadana dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxa qarashka ku baxay qurxinta madaxwaynaha ku tilmaameen in ay tahay mid micno daro ah.
 
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa soo galiyay sawirada madaxwayne Macron oo leh muuqaalo kala duwan.
Madaxwayne Emmanuel Macron ayaa ka mid ah madaxwaynayaasha ugu da’da yar caalamka.
 
 
Xigasho BBC.