Muqdisho:-Dawlada Fadaraalka oo ku argagaxday weerarkii Bariire

Dowladda fadaaraalka ah ee Soomaaliya ayaa saddex war oo kala duwan kasoo saartay weerarkii degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose ka dhacay.
 
Waxa la yaabka noqday ayaa ah markii madaxweyne Farmaajo la noqday tacsidii uu kasoo saaray dadkii weerarkaas ku geeriyooday iyo hadalkisii ahaa Dawladu way baaraysaa dhacdadaas.
 
Tacsidaas ayaa daqiiqado kooban kadib hawada laga saaray.
 
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Yariisow oo ugu horeyn war kasoo saaray dhacdadan ayaa sheegay in howlgal ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada caalamiga ku qaadeen agagaarka Bariire ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
 
“Ciidamada xoogga dalka waxay saaka subax howl gal ku qaadeen beer ku taal Bariire oo la ogaa inay ku sugnaayeen Al-Shabaab, Al-Shabaab waxay bilaabeen inay askarteena soo toogtaan, kaddib markii ay galeen beerta, shaqsiyaadka soo tooganayay Askarta waxay ahaayeen Al-Shabaab ee ma aheyn beeraley, waxaan la hadalnay beerleysa deegaanka, waxaa la hadalnay beeraleyda deegaanka waxaa ku amarnay inay hubkooda guryaha dhigaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasiir Yariisow ku qornaa English, isagoo soo xigtay Generaalkii hoggaaminayay howl galkaas oo lagu magacaabo Generaal Sheegow.
 
Wasiir Yariisow ayaa markaas kadib warbixintaasi iyo warka saxaafadeed ka saaray Boggiisa Facebook arrimo aan la ogeyn dartood, wuxuuna ku bedelay inuu baaritaan socdo. Qoraal kale waxay ku sheegtay haddana isla wasaaradda Warfaafinta in qasaare shacab gaaray uu jiro.
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa VOA-da u sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidamada Milateriga oo aanay ku lug lahayn ciidamo kale, isla markaana dadka la weeraray ay ahaayeen dabley hubeysan oo ciidamada rasaas kala hor yimid.
 
Isku soo wada duuboo arintan ayaa banaanka soo dhigtay iska warqab la’aanta Madaxda Dawlada Fadaraalka iyo maamul xumada ka jirta Xaafiisyada Dawlada,sidoo kale waxay muujisay in xogaha ay Madaxdu Barasha Bulshada soo dhigaan ee ay bulshada la wadaagaan ay yihiin kuwo aan laysku halayn karin..