Muqdisho:-Madaxda Dawlada Fadaraalka iyo Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa oo kulmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.
 
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah.
 
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Midowga Yurub ay kordhiyeen ahmiyadooda shaqo ee dalka Soomaaliya,si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, qaybna uga noqdaan horumarka ka bilowday dalka” ayuu yiri R/W Khayre.
 
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arrimaha Soomaaliya. Wuxuna xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudadii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .
 
Maamlmo ka hor ayay ahayd markii RW khayre iskugu yeeray Wakiilada Beesha Caalamka ee muqdisho,isagoo u sheegay in ay fuliyaan balanqaadyadoodii hore,isla markaana uu dhamaaday wakhtigii hadalka lana gaaray xiligii hadalka waxqabad iyo ficil la arki karo loo badali lahaa.
 
Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa hoos u dhac Mashaariicdii ka imaan jiray beesha caalamka iyo dhaqaalihii miisaaniyada Dawlada Fadaraalka ay ku kabi jirtay Beesha Caalamka.