Muqdisho:-Saldhiga Milatari Turkiga Ee Muqdisho oo xariga laga jari doono dhawaan

Dowlada Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka dhisatay Saldhiga Milatari ee ugu weyn ee dowladaasi ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda, waxaana saldhigan loogu tala galay in lagu tababaro Ciidanka dowlada Soomaalia.
 
Saldhiga Milateri ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la geeyay.
 
Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM.
 
Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.
 
Waxaa kaloo ay leedahay goobo lagu ciyaaro kubadda cagta, meel orodka, halka lagu shiish barto iyo qeybo kale.
 
Bisha soo socota ee September ayaa qorshuhu yahay in la furo Saldhiga Milateri ee Turkiga, waxaana lagu wadaa inay furaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.