Video:-Nin Soomaali ah oo askar ku weerarray Brussels

Nin Soomaali ah ayaa la toogtay ka dib markii uu xalay faas ku weerarray askar u dhalatay dalka Belgium, kuwaasoo ku sugnaa caasimadda Brussels. Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso.

Ninka weerarka fuliyay oo da’diisa lagu sheegay 30 jir ayaa markii dambe ku dhintay cisbitaal lagu daweynayay. Mid ka mid ah askarta uu bartilmaameedsaday ayaa gacanta uu dhaawac kasoo gaaray.

Booliska iyo milateriga Belgium ayaa xiray goobta uu weerarka ka dhacay, oo lagu magacaabo Boulevard Emile Jacqmain, kuna taalla bartamaha caasimadda Brussels.

Xafiiska dacwad oogaha federaalka Belgium ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay aan lagu aqoon “taageeridda argagixisada,” uuna ku dhawaaqayay Allahu Akbar markii uu weerarka fulinayay.

Milateriga dalkaasi ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka Belgium, gaar ahaan caasimadda Brussels tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii halkaa ka dhacay bishii Maarso 2016, kaasoo ay ku dhinteen 32 qof.

Caasimadaha Yurub ayaa heegan ku jira, ayadoo laga casbi qabo in ay xilli kasta ay ka dhici karaan weerarro argagixiso,hoos ka daawo muqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka