Muqdisho:-Ciidanka amaanka Muqdisho ayaa fashiliyay Qarax Xoog leh

Afar qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin ayaa ku dhawaacantay qarax galabta ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka almukarama gaar ahaan meesha loo yaqaano Garaasha Xaaji Baasto kaas oo saraakiisha amniga ku sheegeen in uu ahaa gaari la dhigay waddada dhinaceeda.
 
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed gaashanle sare Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaarigan ciidanka ka war heleen isla markaana waddada la xirey dadkana laga fogeeyay goobta uu yiiley gaariga qarxay.
 
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in labo qof oo shacabka iyo labo askari oo booliiska ka tirsan ay ku dhaawacmeen.
 
Goobaha ganacsi ee ka ag dhow meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa burbur uu soo gaaray, waxayna saraakiisha amnigu sheegeen in ay ka hortageen khasaare intaan ka badan oo uu geysan lahaa qaraxan.