Wasiirada Fadaraalka oo laga mamnuucay in ay baraha bulshada ku qoraan war aysan fasax u haysan

Go’aan ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Khayre,balse uu ku saxiixan yahay Ra’isalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda,ayaa amar lagu siiyey golaha wasiirada in ay mamnuuc ka tahay in ay arrimo siyaasadeed u adeegsadaan baraha isku xirka bulshada sida Twitter iyo Facbook, iyo weliba Idaacadaha iyo Telefishanada, haddii aysan oggolaansho ka haysan xafiiska Raysalwasaaraha.
 
Amarkan ayaa ka dambeeyay markii Wasiiro ka tirsan dowladda ay si iska soo horjeeda uga hadleen dhacdadii Bariire, waxaana Wasiirada qaar ay barahooda bulshada ku soo qoreen hadalo is burinaya, taasoo jahwareer badan dhalisay.
Halkan hoose ka akhriso:-