Dhagayso:-Talye Ereg oo ka jawaabay Eedaynta lasoo jeediyay iyo shaqo joojinta lagu sameeyay

Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg.

Shaqo joojintan ayaa Madaxweyne Camey waxuu u cuskaday kadib markii Talye Ereg la imaan waayay wada shaqayn wanaagsan sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Xaafiiska Madaxweyne xigeenka.

Hadaba waxaa jawaab ka bixiyay shaqo joojinta lagu sameeyay Talye Ereg,isagoo maanta saxaafada kula hadlay Taliska Guud ee Booliska ee Magaalada Garowe.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee uu Talye Ereg kaga jawaabayay Eedaynta loosoo jeediyay iyo shaqo joojinta lagu sameeyay.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Talyaha