Madaxweyne Gaas iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi oo kulmay

Madaxweyne Gaas oo ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka,ayaa dhanka kale sii wada dadaalka uu ugu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland.
 
Dadaalkisii ugu danbeeyay Madaxweynuhu waxuu kula kulmay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.
 
Kulanka Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar ayay uga wada xaajoodeen dhawr arimood oo muhiim ahaa,kuwaasoo kala ah:-
 
B.Dhaqaalaha Puntland.
T.Iskaashiga Ganacsi Puntland iyo Sacuudiga.
X.Adkaynta xiriirka Puntland iyo Sacuudiga.
Kh.Maalgashi balaaran oo Sacuudigu ku sameeyo Puntland.
D.Arimaha Siyaasada guud ahaan Soomaaliya ,gaar ahaan Puntland.
 
Kulanka oo ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay ayay labada dhinac isku afgarteen arimihii ay kawada xaajoodeen.
 
Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuuidga sida wanaagsan ee maqaabka sare leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda una marti galiyeen isaga iyo waftigiisa.
 
Dhanka kale Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.ayaa Puntland iyo shacabkeeda ku amaanay horumarka ay ku talaabsadeen,waxuuna goobta kaga sheekeeyay xiriirka dhalasho,dhaqan,diimeed iyo Ganacsi ee soo jireenka ah oo ay wada leeyihiin Shucuubta Carabta iyo gaar ahaan Reer Puntland.
 
Ugu danbayntii Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa balanqaaday in ay Boqortooyada Sacuudigu si dhakhso ah ufulin doonto dhamaan mashaariicda horumarineed ee ay horay ubalanqaaday in ay ka fulinayso Puntland.
 
Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuud ayaa sidoo kale balanqaaday in wafti xoog leh oo qiimayn ku soo sameeya sidii Boqortooyada Sacuudigu ay maalgashi ugu samayn lahayd Puntland ay soo dirayaan
 
Madaxweyne Gaas iyo qayb ka mdi ah shaqaalihiisa Madaxtooyada ayaa ujooga Sacuudiga gudashada waajibaadka Xajka,waxaana la filayaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan markay soo gutaan waajibaadkaas.