Muqdisho:-Dawlada Fadaraalka oo shaacisay xiliga maamulka Hawada Dalka lagu soo wareejinayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Max’ed C/llaahi Salaad ayaa ku faahfaahin ka bixiyey qorshaha ku aadan waqtiga rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya lagu wareejinayo Maamulka Hawada dalka.
 
“Hawada Soomaaliya markii ugu horeysay 27 sano waxaa laga maamuli doonaa magaalada Muqdisho, hadda waxaan u baahanahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ka qeyb qaata maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha Oktoobar ayaa rajaynaynaa in maamulka hawada si rasmi ah loogu wareejiyo dowlada Somalia” ayuu yiri Wasiirka.
 
Waxaa uu sheegay in la dhameystiray adeegyadii looga baahnaa garoonka diyaaradaha si loo helo duulimaadyada xiliyadii habeenkii, duulimaadyada shacabka iyo kuwa kaleba ay si isku mid ah u shaqeyn karaan, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan shirkado la soo xiriirey si ay isku diwaan geliyaan adeegyada dhanka Duulimaadyada oo xiliyada habeenkii ah oo markii ugu horeysay laga hirgeliyay Garoonka Muqdisho.