Dhagayso:-Wado loogu magacdaray haldoor Xuseen Samatar oo laga dhagaxdhigay Minisota

Magaalada Minneapolis waxaa shalay la dhagax dhigay waddo loogu magac daray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalkan Mareykanka xil looga doorto.

 

 

Xuseen ayaa sidoo kale ahaa asaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob hormarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobalkan Minnesota.

Dadki kasoo qeybgalay munaasabaddi dhagaxdhigidda ayaa waxaa ka mid ahaa duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.

Ubax Cali Jaamac Biixi oo ahayd Xaaskii Xuseen Samatar rabi ha unaxariistee oo ka qeybgashay xafladdii dhagax dhigga,ayaa waraysi ay siisay Laanta Afka Somaliga ee VOA waxay kaga hadashay wadadan,hoos ka dhagayso codka Ubax.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Ubax