Farmaajo oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Sarkaal ONLF U gacangaliyay Dawlada Itoobiya

Sida uu qoray Warkeyska Ethiopian Observer C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa loo gacan galiyay dowlada wadanka Itoobiya.

C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo loo soo gudbiyay Magaaladda Cadaado.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Dawlada Fadaraalka Soomaaliya ee ka howlgala deeganada Maamulka aan sharciyada buuxin ee Galmudug ayaa Jimcihii la soo dhaafay keenay magaalada Muqdisho,kadib markii diyaarad gaar ah loogu soo qaaday Magaaladda Cadaado.

Wararku waxay intaa ku darayaan dowladda Itoobiya in ay dalbatay in Sarkaalkaas lagu soo wareejiyo, waxaana la sheegay inay usoo martay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe,kuwaasoo isla shalay u soo gaaray Muqdisho soo wareejinta Sarkaalkaas waxayna la kulmeen Madaxweyne Farmaajo oo ugu danbayntii amray in Sarkaalkaas lagu wareejiyo Dawlada Itooobiya.

Ninkan ayaa shalay diyaarad yar looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaarada sii martay magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarad Milateri looga sii qaaday garoonka diyaaradaha magaaladda Baydhabo,iyadoo la geeyay magaalada Godey, halkaas oo shalay galabta ay diyaarada Ethiopian Airlines ka qaaday, isla markaana ka dejisay magaalada Nazaret oo ay ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan geliso Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF, iyadoo Farmaajo uu noqonayo Madaxweynihii ugu horeeyay ee fuliya Amarkan oo kale,sidoo kale waxaa talaabadan oo kale horay uqaaday qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira,kuwaasoo xubno ka tirsan ONLF oo ay ka qabteen deegaanadooda u gacan geliyey dowladda Itoobiya.

 

 

 

A top leader of the banned Ogaden National Liberation Front (ONLF) has been handed down to Ethiopia by Somalia government, sources said.

Abdikarim Sheikh Muse, known by his nickname “Qalbi dagah” was captured in the northern town of Adado town, 500km north of the Somali capital last Friday, according to reliable sources. Some Somali websites described him as ONLF’s main man and an Eritrean trained leader of the military wing of ONLF. The same sources indicated that Abdikarim was flown from Adado to Mogadishu in military aircraft, escorted by government security forces on Sunday and arrived in Bishoftu on Monday. No official confirmation had come from Ethiopian government nor from ONLF.

The ONLF has been fighting since 1984 for autonomy of the Ogaden region, which borders Somalia. The rebel group was among five organizations outlawed as terrorists by the Ethiopian government on 2011.

 

 

Source:-http://www.ethiopiaobserver.com/2017/08/top-onlf-leader-handed-down-to-ethiopia/