Muqdisho:-Juxaa oo ka hor yimid go’aankii Rw khayre kaga mamnuucay Wasiirada baraha bulshada

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa, ayaa ka hadlay go’aankii Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka ka soo baxay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya looga mamnuucay inay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan isticmaalaan, iyagoo aanan fasax ka haysan Ra’iisal Wasaaraha.

Juxaa oo la hadlaayay Idaacada BBC, ayaa sheegay wixii shaqada Wasaaradda arrimaha Gudaha ku saabsan inuu ka hadlo karo, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha.

“Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa tana ma khuseynayso, waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, laakiin waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay.”  Ayuu yiri Wasiir Juxaa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka