Beledweyne:-Daawo Madaxweyne Cosoble oo ku dhawaaqay in caasimada Kmg ah ee Hir-Shabelle ay tahay Beledweyne

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle ee dhawaan ay sheegeen Xildhibaanada Maamulkaasi in ay xilkii ka qaadeen,ayaa ka dagay Magaalada Beledweyne.

Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay markuu gaaray halkaas ,ayaa yiri”Caasimada Kmg ah ee Hir-shabelle waxay noqon doonotaa Beledweyne maamulkuna waa kusii shaqayn doonaa tan iyo inta dib ay gacanta ugu soo laabanayso caasimadii Hir-Shabelle Magaalada Jowhar”.

Dawlada Fdaaraalka ayuu ku eedeeyay in ay qabsatay Jowhar fawdo iyo burburin nidaamka ay ka bilawday.

Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Waxaan ugu bishaaraynayaa shacabweynha Hir-Shabelle in aan anigu ahay Madaxweynaha Sharciga ah ee la doortay”hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraaid ee Cosoble.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka