Gaalkacyo:-Ciidamada Difaaca Puntland oo iska caabiyay weerar argagixiso oo saakay lagu soo qaaday

Malayshiyaad kasoo jeeda maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,isla markaana wata calanka ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa saaka aroortii weerar ku soo qaaday Ciidanka Difaaca Puntland fadhigooda deegaanka Godad oo qiyaastii 15-Km dhanka bariga kaga beegan magaalada Galkacyo.
 
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayay Ciidamada Difaaca Puntland si adag iskaga caabiyeen,waxayna gaarsiiyeen maleeshiyaadkii soo duulaan tagay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
 
”Ciidamadu weerarkan waa iska caabiyeen,isla markaana maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday waxay ka dhigeen, wax dhintay,wax dhaawacmay iyo wax firxaday”sidaa waxaa noo sheegay Sarkaal kamid ah Ciidamada Difaaca Puntland oo aan la xiriirnay.
 
Dhanka Ciidamada Difaaca Puntland ayaa waxaa soo gaaray khasaare gaaraya Afar Askarta Difaaca Puntland ah,kuwaasoo hada lagu dabiibayo isbiitaalka Gaalkacyo.
 
Xaalada Deegaanka Godod ayaa hada degan Ciidamada Difaaca Puntland waxay ku jiraan Heegan sare,sidoo kale maleeshiyaadka kasoo jeeda Cadaado ee watay Calanka Ashabaab waxay goobtii dagaalku ka dhacay uga carareen Maydka Hal maleeshiyadooda kamid ah ,kaasoo ahaa Calan sidahii waday Calanka Alshabaab.