Garowe:-Daawo Mashruuc lagu hormarinayo Caafimaadka Puntland oo lagu daahfuray garowe

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 magaalada Garoowe ka Daah-furay mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, waxaana mashruuca maalgeliyey Bangiga horumarinta Jamarlka.

Daahfurka Mashruucani balaadhan ayaa waxaa madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka  dalka Jarmalka u fadhiga Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr iyo hay’addaha hawl-waddeenka la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixxakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo kahadlay daahfurka mashuucani ayaa sheegay in mashruucani yahay mid wax weyn ka taridoona hawlaha horumarineed ee caafimaadka Puntland, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in mashruucani isugu jiro hawlo caafimaad iyo dhismayaal ruggo caafimaad oo laga hirgelinayo labada gobol ee Mudug iyo Nugaal.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha  ayaa sheegay in mashariicdani tahay mid muhiima taasi oo ka kooban dhismayaal ruggo caafimaad, tayaynta shan cusbitaal oo kuyaala labada gobol ee Nugaal iyo Mudug, dhisme cusub oo xarun caafimaad ah oo laga hirgelindoono Garoowe iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo lagu kordhin doono dhimeyaal sucub iyo dib u dayactir.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dib u habayn iyo dayactir lagu samayn doono 20 MCH iyo daboolidda hawlaha caafimaad ee aasaasiga ah ee labada gobol ee Nugaal iyo Mudug oo iyana kamidda qorshe yaasha lagaga faa’iidaysanayo mashruucani horumarinta caafimaadka Puntland ee 2017 -2019.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in mashaariicaha dalka Jarmalku ka fullinayo gudaha Puntland ay badan yihiin oo ay kamid tahay dhismaha waddada Gaalkacayo-Garoowe oo ay dawladda Jarmalku bixisay dhaqaalaha lagu hirgelinaayo waddadaasi.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay mashaariicdani u leedahay Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba ee ku sugan guddaha Puntland, waxaana uu sidoo kale kahadlay waxqabadka balaadhan ee Wasaaradda Caafimaadku ka qabatay goboladda Puntland iyo kuwa hadda qorsha ugu jira inay fulliso oo dhamaantood waxtar buuxa u leh arrimaha caafimaadka ee Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka  Dawladda Puntland  ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa u mahadnaqay hawl-wadeenadda Waaradda caafimaadka iyo hay’addaha hawlwadeenka la ah Wasaaradda sida wanaagsan ee ay u dardar gelinayaan,  isagana kaashanayaan socodsiinta mashaariicaha muhiim ka ah ee wax tarka u leh shacabka dawladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka